December 2, 2016 | Posted by admin

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Cusub ee lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa eedeen usoo jeediyay Maamulka Cusub ee Hirshabeelle oo ku aadan in ay faragelin ku hayaan Doorashada aqalka Hoose ee Jowhar.

Waxa uu sheegay Goodax Bare in Maamulka Hirshabeelle  uu galaan gal xoogan ku dhex leeyahay Doorashada aqalka Hoose ee Jowhar ka socota.

C/laahi Goodax Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyaga oo adeegsanaya Ciidanka amaanka soomaaliya ay  hanjabaad iyo jirdil ay ugaysteen Ergada iyo Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Gobalka Hiiraan.

C/laahi Goodax Barre ayaa ka mid ahaa Xildhibaano shalay lagu dooraty Magaalada Jowhar waxa uuna Horay ka eedeeyay Maamulka Cusub ee Hirshabeelle.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS