December 20, 2014 | Posted by admin

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke in Xukuumada uu soo dhisi doono aanu ku soo darin Wasiiradii ku jiray Labadii xukuumadood ee ka horeysay.
Xildhibaanada-Mooshinka-1-280x175

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa Ra’iisul Wasaarihii la riday Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ay ka sugayaan inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, kana karti badan kuwii ka horeeyay.

“Waxaan u jeedineynaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo aan ku jirin Wasiiradii labadii xukuumadood ee isaga ka horeysay, waana kula talineynaa taas”ayuu yiri Cabdi Barre Jibriil.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu wado wada tasho uu la leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka, si uu u helo kalsoonida Baarlamaanka, todobaadkan gudihiisa oo la filayo la ansixiyo.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa sugaya ansixinta Baarlamaanka, iyadoo ay hor-yaalaan caqabado badan oo ay ugu weyn tahay sidii uu mideyn lahaa golayaash dowladda ee saameeyay Khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban waxaa sugaya arrimo badan oo ay ugu weyn tahay dib u habeynta Dastuurka, afti u qaadistiisa, barnaamij cad oo Xukuumadiisa ay ku habeyso hey’adaha dowladda, si hufnaan iyo la xisaabtan ku jirta, maadaama lagu eedeeyay 19 wasaaradood inay musuq maasuq sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii labaad loo magacaabay muddo shan sano gudahood xilka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii 3aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

COMMENTS