March 6, 2012 | Posted by admin

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle ayaa cambaareeyay isla markaana beeniyay hadal uu Mahiiga ku sheegay in hoggaankii dalka uu la wareegay urur gaar ah.

Xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idacada dowlada ee  Radio Muqdisho isagoo ku sugan dalka Qadar ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiiga, wuxuuna intaa ku daray in uu yahay hadal hareer marsan xaqiiqda.

“inqilaab kama dhicin dalka madaxooyadana waxaan ku ogeyn in uu fadhiyo Madaxweynihii la soo doortay oo isagu ku shaqeeya xafiiskiisa hadalka Mahiigana wa mid hareer marsan xaqiiqda.” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Geelle.

Wasiirkii hore ee warfaafinta xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uusan hirgeli doonin habka furfuridda ah ee mugdiga gelinaya madaxbannaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

COMMENTS