March 4, 2012 | Posted by admin

Gaalkacyo:  XildhibaanCusmaan Xassan Cali (Caato) oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka degay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ujeedada socdaalkiisa uu ku sheegay dhex-dhexaadinta beelo halkaasi ku dagaalamay.

Xildhibaanka Cusmaan Caato oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro dhex-dhexaadinta beelo ka soo kala jeeda deegaannada ay ka kala arrimiyaan maamulada Galmudug iyo Puntland oo colaad ay dhexmartay.

Cusmaan Caato ayaa beelaha wada dega magaalada Gaalkacyo u jeediyay inay nabad iyo deris wanaag ku wada noolaadaan.

Xildhibaanka waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada ee Galmudug.

COMMENTS
  1. mahdi said:

    waa inkii wadanka baabi iyay dhoofsadayna maartii wadanka walina ku jira baarlamaanka goormaan cadaalad helaynaa illaahow umada soomaaliyeed u gar gaar quluubtoodana isku wanaaji oo burcad isku mari .