January 10, 2018 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya deegaanka
Tukaraq ee gobolka Sool oo dhawaan ay ku
dagaalameen ciidamo kala taabacsan Maamulada
Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegaya in
maanta deegaankaas uu ka jiro dhaq dhaqaaq
ciidan oo ay wadaan dhinacyadii halkaasi isku
haayay.

 

Warar Halkaasi Ka imaanaya ayaa tilmaamaya in
Ciidamada soomaaliland ee ku sugan
deegaankaas Tukaraq ay saakay bilaabeen dhaq-
dhaqaaq ka duwan midkii shalay ka jiray
deegaankaasi.

 

Dhanka ciidamada Puntland marka la eego
Waxaa jira ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo
ku sii jeeda Deegaankaasi, inkastoo xaalada ay
dagan tahay saaki hadana Waxaa jira cabsi soo
wajaheysa dadka deegaanka oo ka baqanaya
dagaalka markale halakas ka qarxa.

 

Madaxweynha Maamulka Puntland C.wali
Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xiisadaan u
dhaxeysa Puntlan iyo Soomaaliland ayaa sheegay
8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay
magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo
qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka
Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo
aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi
Farmaajo.

COMMENTS