February 28, 2015 | Posted by admin

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka oo xirnaa muddo 9 maalmood ah ayaa bari oo ah 1-da March dib looo furayaa, sida uu sheegay Cabdicasiis Sugule, oo ah gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladaha Somaalida oo la yiraahdo SAMSA.

Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii lixdii bishan February.

Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

C/casiis ayaa sheegay in bankigii xiray koontooyinka xawaaladaha Soomaalida uusan go’aankiisa wax ka badelin, hase ahaatee iyagoo adeegsanaya bangiyo yar yar ay lacago aan badneyn ay diri doonaan xawaaladaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay in dowladda Mareykanku ay dareentay culeyska xiritaanka xawaaladaha Soomaalida, ayna ku dedaalayaan sidii arrinta loogu soo celin lahaa sidii hore.

Bankiga Merchant ee dalka Mareyka ay koontooyin uga furmaayeen inta badan xawaaladaha Soomaalida ayaa go’aanka ku gaaray inuu xiro akoonadaas, isagoo sheegay inuu ka cabsi qabo in la mariyo xawaalado ku socda kooxaha Mareykanku u yaqaano argagixisada.

COMMENTS