December 14, 2011 | Posted by admin

Xassan Xuseen oo ah Takfiiri ku darsaday Jaahilnimo iyo indho adeeg ayaa cod si rasmi ah uu isaga u leeyahay ku fatwooday in la dilo culimada ka soo horjeeda fikirka Al-Qaacida iyo kooxaha magaca Islaamka dadka muslimiinta ah ku xasuuqa.

Xaqiiqdii ma ahan wax cusub warka noocan oo kale ah, mana qariibsan markii aan maqlay inuu Xassaan Xuseen ka soo fulay, oo ninkaan baadinimadiisa ma ahan mid horleh, waxaana in badan aan jahligiisa iyo gacan bidixeyntiisa diinta ku soo bandhignay shabakadda miisaanka oo dowr weyn ka qaadatay in umadda soomaaliyeed ay baraan culumada saxda ah iyo culumo u egayaal diintii iyo dadkii fasaadiyay.

Wuxuu si buuxda oo aan gabasho lahayn u yiri: “Aniga waxaan qabaa in wadaada ka soo horjeeda halganka maanta dunida ka socda aduunyada la dhaafiyo hadda ka horna waan idiin sheegay”

Aniga Ku lahaa Muxuu yahay Isaga Xataa uu Yiraahdo Aniga? Ma wuxuu Ismooday Imaamu Shaafici oo Kale? Armuu aaminsanyahay inuu Imaamu Shaafici ka Cilmi iyo Caqli badan yahay!

Xassaan ayaa isku dayay inuu difaaco aragtidiisa been abuurka ah ee daciifka ah, si u dhageystayaashii ugu qurxiyo foolxumada uu ku hadlayo, waxaadna isleedahay si u kalac ayuu diinta Alle ugu been abuuranayaa, waxaan diin ahayna diin ayuu ka dhigayaa waxaadna yaqiinsanaynaa inuu hayo dhabihii Yahuuuda ee leexiyay diintii Alle u soo dajiyay!

Qofka Jaahilka ah intuu wax haleeyo ayaa ka badan intuu wax ha hagaajiyo, waxaana dhacda isla wuxuu fatwooday inay isaga xujjo ku noqdaan, sida haddda warka jaahilkan indhaha adag ee Xassan Xuseen ka cad.


Halkan ka dhageysi Hadalka Xassaan Xuseen ee Naxdinta iyo la yaabka leh!

Aragtidiisa Qaloocan wuxuu ku dhisay arrin la yaab leh oo asalka diinta ka soo horjeeda, wuxuu kaloo sheegay arrin qariib ah oo isaga naftiisa uu ka dareemayay kuwii dhageysanay inay la yaabeen, oo wuxuu yiri: “Fitnada ay umadda ku hayaan ayaa ka daran, ma lihi waa Gaalo, ma lihi dhiigoodaa banaan gabi ahaan, lakiin fasaadka iyo halganka ay umadda u geysanayaan ayaa waxkastaba ka daran.”

Aqristoo jumladdas gaaban oo hadalkiisa ka mid ah maxaa kaaga soo baxay? Runtii qofkatsa oo wax fahmaya ama garasho yar un leh waxaa usoo baxaysa inuu ninkaan yahay nin is burinaya oo kala hadlaya, oo wixii naftiisa u qurxisa iska sheega.

1- wuxuu sheegay in culumada ka soo horjeeda fikirkiisa ay fitan yihiin, ka waran Culumadaasna haday qabaan in asaga iyo wixii la fikir ah ay yihiin fitan islaamka iyo Muslimiinta lagu salliday yihiin, ficlan waaba yihiinee.

2- Wuxuu ku leeyahay waa gaalo ma lihi! Hadda muslim bari ah oo aan dambi galin meesha dhigiisa lagu baneeyay asagaa laga rabaa, Walina lama maqal Culumo kala aragti duwan inay is dhiig banaystaan, laga soo bilaabo xiligi Asxaabta ilaa hadda khilaafka iyo kala aragti duwaanaashaha wuxuu ahaa mid soo jireen ah, saas ay tahayna lama hayo sheekh ama caalim fatwooday in la dilo culumada ka aragti duwan, bal waxaan ognahay oo usuusha Ahlu sunna ka mid ah in ta’wiilka ama ismoodsiinta loogu cudur daaro qofka, oo ay ka mid tahay mawaanicda ama waxyaalaha reeba in muslimka xad lagu fuliyo.

3- Wuxuu ku leeyahay ma lihi dhiigoodaa banaan gabi ahaan, lakiin….. meesha la iska soo galay oo diintii lagu biliqeystay waa wadaad xume ku leh LAAKIIN, waa yaab jumladda hore waa jumlad xaq ah oo dhigoodu ma banaana waxaase buriyay lakiintiisaan oo ah mid aad u fasaad badan, waxaana markale ogaanaysaa heerka uu jaahilnimada iyo dhiiranaanta ka joogo.

4- Muusan sheegin fasaadka ay umadda ku hayaan, waxaa ahlu bidaca iyo dadka been abuurta lagu yaqaanaa inay iska tuuraan hadal aan meel la qabta lahayn, sida kalmadan ah umadii bay fasaadiyeen! Ummadda uu sheegayo waa kuwee fasaadka uu sheegayna Muxuu yahay?

Aqristoo jumladaas kaliya ayaa ka soo baxay afar qodob oo isla asaga burinaya bal aan sii wadno waxyaalaha kale ee la yaabka leh ee ka ninkan isla baxay afkiisa ka soo burqanaya.

Wuxuu sheegay in ismoodsiinta Culumada aysan aduunka wax u tarayn, wali muusan goynin ee wuxuu yiri waxaa laga yabaa inaysan waxbo kuu tarin, lakiin alle agtiisa wax u tarto, wuxuu kaloo sheegay inaysan NAAR galayn! Wuxuu keenay arrin la yaab leh oo aan mowduucaba khusayn, waxayna middaas cadaynaysaa in si ula kac ah uu diinka Alle ugu ciyaarayo.

Kan wax dilay waa Mujaahid!, kan la dilayna waa SHAHIID! Ayuu ku leeyahay Xassan, Cajiib, Cajiib, yaraanta qofka muslimka waxaa la baray xadiiskii Nabiga ee ahaa macnihiisa, Kan dilay iyo kan la dilayba Naarta ayay galayaan. Saxaaabadii baa yaabay oo yiri Rasuul Allow kan dilay garanayee kan la dilayna muxuu naar ku mutaystay? Wuxuu ku jawaabay kan la dilay wuxuu ku dadaalayay dilka walaalkiis! Bal ka waran marka Culumo Alle si dulmi ah lagu dilo?

Asalka waa sida uu Rasuulka Sheegay, waxaase jirta arrinta uu dadka ku qaldayo oo ah in muslimiin iyo gaalo dagaal dhex maro halka uu ku dhexmarayna ay dad muslimiin ah ku suganyihiin, muslimiinta mujaahidiinta ahna ay jidkasta u maraan inaysan muslimiinta gaalada la joogto wax gaarsiin, lakiinse ay noqoto lagama maarmaan inay gaalada fooda isa saaraan wixii ay tuuraan oo hub ah muslimiinta haday ku dhacaan muslim kale oo aan wax galabsan uu ku noqonayaa mid lagu soo saaro niyadiisa, mas’aladaasna waa mid jirta, lakiin ma ahan halka uu xassaan la aaday.

Hadaan u soo laabto Cinwaanka qormada ku suntan ee ah ah Xassaan Xuseen oo loo dili karo Fasaadkiisa! waxaan ka soo qaatay eray uu isagu leeyahay oo ah runtii waxaadba oran kartaa isgaaa is xukumayay.

“Waxaa laguu dili Fasaadka hadalkaada ka dhalan iyo fatwadaada ka dhalan ee duritaankaada ka dhalan…..”

Xassaanoow hadalkaadan ah in Culumada la laayo fasaadkiisa ayaa adigana laguu dili karaa, Waxaa laguu dili karaa umadda muslimiinta ah ee aad ka dureysid qolkaada yar ee aad isku soo xirto, waxaa laguu dili karaa been abuurka aad diinta ka samaynaysid.

Ugu dambeyn, Ma ahan arrintan wax cusub Xassaanna waxaa dadka baray oo sheekh ka dhigay nimanka uu maanta leeyahay hala dilo, Xassaan ma ahayn nin la yaqaan oo lagu bartay cilmigiisa ee wuxuu ahaa nin la soo saaray oo dadka labaray, kadibna wuxuu ku noqday abeeso oo uu ka hoos guuray.

Markii uu lahaa Culumada kale ee horaan uga soo horjeeday fikirkiisa waa la dili karaa cid ka qaylisay ma lahayn ama muxaadaraad ka qabatay, waxaadna xasuusataa Muxaadaradii Sh Umal uga hadlayay Inkaar qabe Xasan Takar inuu dhamaadkeeda ku sheegay in horay loo fadwooday in la dilo Culumada Salafiyiinta ay u yaqanaan la safiyada jadiidiya iyo culumada ahlu sunnah ay u yaqaanaan suufiyada. Waxaa kaloo la yaab leh in Sh Umal uusan Sheegin magaca ninka fatwooday fatwadan baaadilka, asagoo og inuu Xassaan yahay.

Waxaad is weydiinaysaa Sh Umal muxuu xiligaas uga hadli waayay oo uga digi waayay Hadalada Sunta ah ee ka soo burqanayay ina habreedkiis Xassaan? Mise Sheekha markuu naftiisa iyo jamacadiisa u baqay ayuu arrintaas ka dhiidhiyay?

Waxaa Hubaah ah hadaan si wada jir ah looga hortagin afkaarta noocan oo kale ah ay keen san karto dhib aan la mahadin, oo saamaysa ummadda oo dhan, qaabka ugu fiican ee arrinta looga hortagi karo waa in dhabbaha saxda ah dhalinyarada lagu soo celiyo, waa diintii Nabi Maxamed SCW iyo fahankii saxiixa ahaa ee jiilkii hore lagu tarbiyeeyo umadda iyo midkasta oo naftiisa wax u qurxisa foolxumadiisa la horistaago oo dadka loo cadeeyo baadilkiisa.

COMMENTS