January 26, 2015 | Posted by admin

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegay in lasoo dhisayo xukuumad u dhexaysa soomaalida oo dhan.
Madaxweynaha warfidiyeenka maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda lagu salayn doono hannaanka lagu heshiiyay ee awood-qaybsiga beelaha Soomaalida, lana tixgalin doono aragtida kooxaha siyaasadda iyo haweenka.
Wuxuu xusay in xukuumadda ay ka dhex muuqan doonaan siyaasiyiinta kalsoonida kala laabtay xukuumaddii hore iyo kuwa ku kalsoonaa, wuxuuse tilmaamay in aysan xubno ka wada noqon Karin.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday siyaasiyiinta iyo shacbiga Soomaaliyeedba inay u tanasulaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo danta guud ee dalka iyo dadka.

COMMENTS