July 23, 2014 | Posted by admin


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in toddobaadkii hore ay dowladdu diiwaangelisay biyaha badda Soomaaliya oo marka la adeegsado halbeegga lagu cabbiro fogaanta biyaha gaaraya 220 nautical mile.
Madaxweynaha oo maanta ka hadlay xiritaanka kalfadhigii afaraad ee baarlammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay, qeybteeda qaabilsan qawaaniinta badaha ee UNCLOS oo ay xubin ka tahay Soomaaliya ay ka diiwaan geliyeen xadka biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shalay oo bisha July ay ahayd 21 ay dowladda Soomaaliya gudbisay xuduudaheeda biyaha (continental shelf) taasoo ah 350 nautical mile oo biyaha badda ah, isla markaana ay xaq u leedahay jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay madaxweynuhu in Soomaaliya ay maanta leedahay 200 nautical mile (EEZ) Exclusive Economic Zone iyo 350 nautical mile continental shelf, kuwaas oo ka diiwaan gashan Qarammada Midoobey.
Xasan Sheekh ayaa xusay in aysan jirin wax dacwo ah oo ay qabto dowladda Soomaaliya.
Hadalka madaxweynaha ayaa soo afjaraya hadallo iyo muran ka jirey xuduudaha badda ee Soomaaliya.

COMMENTS