August 22, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho maanta ku qaabbilay, wafdi uu hoggaaminayey, Franco Lobionda oo xubin ka ah Congress-ka ee dalka Maraykanka.
Kulanka oo ka dhacay gudaha gagada diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa hay’adaha amniga ee Soomaaliya.
Agaasimaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in wafdiga looga warbixiyey xaalladda amni ee dalka iyo taageerada ay u baahan yihiin hay’adaha nabadgalyada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Mr. Franco iyo wafdigiisu ka mahad celiyeen sida loogu soo dhoweeyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdsiho.
Cali Maxamed ayaa tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dalbaday gargaar Maraykanku joogto u siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna hay’adaha nabadgalyada.

Kulanka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan taliyeyaasha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

COMMENTS