January 27, 2013 | Posted by admin

Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Mwai Kibaki ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo uu ka socda shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.

Wada-hadallada labada madaxweyne ayaa daba socda qodobbadii looga hadlay kulan ay dhammaadkii sanadkii hore ku yeesheen magaalada Nairobi, kaddib booqasho madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafadda la hadlay markii uu kulanka dhammaaday kaddib ayaa sheegay inay isaga iyo madaxweyne Kibaki isla soo qaadeen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, waxay labada madaxweyne isla soo qaadeen hormarka xagga nabadda iyo xasiloonida ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaday.

Madaxweynaha Kenya ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay ka taageerto xukuumadda Soomaaliya dadaalkeeda dib u dhiska dalka, isagoo muujiyey inuu ku faraxsan yahay in la adkeeyey xiriirka laba waddan.

Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku raacay in dhammaadka sanadkan la qabto shir goboleed looga hadlayo dhibaatooyinka qaxootiga haysta.

COMMENTS