August 23, 2012 | Posted by admin

Coll. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab ayaa ku tilmaamay dowladi KMG aheyd ee waqtigeedu dhamaaday iyo tan cusub ee hada la filayo in ay la mid yihiin Eey iyo meel uu ka kacay.

Wareysi uu siiyey idaacada ku hadasho codka Al Shabab ee Andalus, ayuu ku sheegay Xasan Daahir Aweys in Al shabab uusan waxba ka galin dowlada cusub balse ay la dagaalami doonaan.

Hassan Dahir ayaa aflagaadeeyay Beesha Isaaq iyo madaxda DFKMG maruu tusaale u soo qaadanayay intuu ku guda jiray wareysigiisa.

Mar uu ka hadlayey kartida dadka madaxda ka noqon doono dowlada cusub, ayuu ku sheegay in dalalka reer Galbeedka ay keeni doonana qof aanan wadani aheyn oo iyaga daacad u ah, isla markaana ay eryi doonaan inta dooneyso Soomaalinimada.

“Anaga wax naga quseeya oo nimankaas waxa kasoo baxaya iyo ninku kusoo baxaya iyo raganimada uu leeyahay wax naga quseeya ma lahan, nin kasta oo ay ku tuhmayaan wadanimo way diidayaan, waxay rabaan dadka iyaga daacada u ah oo ay taangiyadooda ku ilaashanayaan,” ayuu yiri.

Waa marki ugu horeysay oo ay Al Shabaab ka hadlaan Dowlada cusub ee dhawaan la rajeynayo inay u dhalato Soomaaliya.

Wareysiga Sh. Xasan Dahir oo Dhameystiran Dhageyso

RIIX LINKIGAN SI AAD U DHAGEYSATO HADUSAN KU SHAQEYN KAN KORE

REALPLAYER HALKAN HOOSE KU DHAGEYSO

COMMENTS