January 7, 2018 | Posted by admin

Hogaamiyihii Hore ee Ururkii Burburay ee Xisbul islaam Shiikh Xasan Aadan Daahir Aweys ayaa soo saaray Fariir Muuqaal ah uu kaga Hadlaayo Xilaafka ka dhaxeeya Dowlada iyo Mucaaradka.

Shiikh ayaa Ugu Horeyn sheegay in Khilaafka labada dhinac uu salka ku hayo arimaha Qabaa’ilka oo soomaalidu ay ku dhisantahay.

Waxuu sheegay in aan Laga gudbeen Khilaaf kasta oo Dalka Ka jira iyadoo Soomaalinimo aan Wax Loo qaybsan.

Sidoo kale shiikha Ayaa xusay in Arimaha Maamul Gobaleedyada ay yihiin Dhibaatada koowaad ee Dalka Ka jirta, Waxa uuna xusay in Qabiil Kasta Meesha uu Ku Awood badan yahay looga Dhiibay Hogaan, sidaasina ay Qayb ka tahay Dhibaatada Ka jirta Dalka.

Muuqaalkaan uu soo buubay Xasan Daahir ayaa imaanaya xili uu jiro Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowlada iyo Kooxa Kale oo Macaarad ah, Dowladuna ay xir xirtay Qaar ka mid ah Mucaaradka.

COMMENTS