November 11, 2017 | Posted by admin

Hogaamiyihii Ururkii Burburay Ee Xisbul Islaam kana mid ahaa Saraakiisha Al-shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda Xabsi Guri ku ah Magaalada Muqdisho ayaa fariin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu helay Taageero Shacab oo Dal iyo Dibad ah,wuxuuna Xusay in loo baahan inuu ka Faa’deysto islamarkaana uusan Lumin Taageeradaas uu helay.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Arrimaha Al-shabaab,wuxuuna uu dhaliilay qaabka loola Macaamilo Xarakada Al-shabaab.

Waxuu Xusay in Dagaalka Alshabaab uu isku Bedelay Qaabka Kale Laakiin aysan aqoonin Qaabka Shacabka Loo soo Jiito.

Ani ahaan Waxaan Dagaalka Soo Bilaabay Dhowr sano Ka Hor, Dowladii Maxamed Siyaad Barre, Waxaana Wadanka Aan ka dooneenay dowlad islaami ah, Laakiin Hada Ma muuqato Qaabka Ku salaysan Islaanimo oo ay Wadaan Alshabaab islamarkaana ay ku doonayaan Dagaalka Alshabaab.

COMMENTS