July 28, 2015 | Posted by admin

324x243xXaliimo-Yarey1.jpg.pagespeed.ic.qJ-Zsvac2f
Guddiga madaxa-banaan ee doorshooyinka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay guddoomiye u doorteen Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo laga dhigay guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorshooyinka Dalka.

Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa xilkan loogu doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Xaliimo Yarey horay waxaa ay u ahayd,guddoomiyaha Guddiga farsamada ee diyaariyay doorashadii madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Galmudug.

Sidoo kale,waxaa ay soo noqotay Xaliimo guddoomiyaha doorashooyinka dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marka la gaaro sanadka 2016 ayaa la filaya Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho ay shacabku soo doortay madaxweynaha dalka,taaso la sheegay inaysan si sahlan ku dhici karin.

COMMENTS