December 17, 2014 | Posted by admin

Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo ku magac-dheer Xaliima Yarey ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Kulanka lagu sameeyay guddiga cusub oo lagu qabtay Hoteelka Maka Al-Mukarrama ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeen loo doortay Maxamed Cabdi Carrabey, xog-haya guddiga waxaa loo doortay Axmed Dubbad Cali, halka afhayeenka guddiga loo doortay Sheekh Cumar Cali Rooble.
Xaliima Yarey ayaa u mahadcelisay ergooyinka u doortay xilka, waxayna ballanqaadday inay la shaqeyn doonto xubnaha kale ee kula jira guddiga.
Waxay ku boorrisay xubnaha guddiga inay kala shaqeeyaan sidii hab caddaalad ah looga shaqeyn lahaa dhismaha maamulka Gobollada Dhexe iyo soo xulidda ergooyinka maamulka la dhisi rabo.

COMMENTS