December 9, 2012 | Posted by admin

Laba qof ayaa ku nafwaayay seddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii xalay bam gacmeed lagu tuuray goob Shineemo ah oo ku taalla degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in xilliga bamka lagu tuuray shineemada ay ka socotay cayaar kubadda cagta oo ay daawaneyeen dhalinyarada xiiseysa ciyaaraha.

Labada qof ee dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka mid ahaa dadkii u soo daawasho tagay ciyaarta waxaana dadkii dhaawacmay lagu dawaynaa qaar ka mid ah cisbitaallada Magaalada Muqdishu. Isla goobta ayaa waxaa gaaray mas’uuliyin ka tirsan maamulka degmada.

Ciidamada amniga ayaa lagu soo waramayaa inay hawlgal ka sameeyeen agagaarka shineemada taasoo ay ku baadi goobayaan dadkii ka geystay falka lagu weeraray shineemada, inkastoo kooxihii bamka tuuray ay baxsadeen, oo gacan lagu hayn, falalka noocaan ah ayaa waxaa lagu yaqiinay xiligii Shabab ay ka talinayeen Magaalada Muqdisho, inkastoo hada aysan jirin cid sheegatay falkaan guracan.

COMMENTS