December 1, 2016 | Posted by admin

Degaanka Gambar-laawe oo hoos taga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa degan ka dib  shalay dagaal ka dhacay Halkaasi.

Dagaal ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda soomaaliya iyo koox Isbaaro Halkaa utiilay sida ay inoo xaqeejiyeen Maamulka Gobalka Hiiraan.

Dagaalkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa ku naf waayay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, halka kooxda Isbaarada u tiilay uu ka dhintay 1 Ruux.

Xaalada goobtii shalay lagu dagaalamay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana kooxdii jidgooyada dhigatay ay isaga carareen goobtii lagu dagaalamay sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dhawaan shaaciyay in ay ka hor tegayaan wax allaala iyo wixii dhib ku ah amaanka Gobalka Hiiraan.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS