July 16, 2017 | Posted by admin

Dowlada Soomaaliya ayaa ka Hadashay Xal u helida Cilada u dhacday internetka.

Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta ayaa ka warbixisay cilad bixinta Internet-ka ayadoo oo shaaca ka qaaday in howshaas gabo gabo mareyso isla markaana si dhaqso ah lagu soo afjari doono.

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo is gaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saacadaha soo socdo si buuxdo dib loogu heli doono adeegii internetka.

Wasiirka ayaa sheegay in howlaha cilad bixinta adeegaas ay meel wanaagsan mareyso ila markaana ay rajeynayaan in lasoo gabagabeeyo saacadaha soo socdo haddii uu Rabi idmo.

Maqnaashaha internetka ayaa Sababtay Qasaaro xoogan oo ka soo gaartay Ganacsatada Soomaaliyeed waxayna Dowladd Soomaaliya sheegtay in si buuxdo loo qiimeyn doono qasaarihii ka dhashay Maqnashaha internetka.

Maxamed daacad Muqdisho.

 

COMMENTS