July 17, 2017 | Posted by admin

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyay cinwaan Email ah oo fariimaha loogu soo diro, iyadoo olole ku saabsan fariimaha lagu bilaabay Baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka.

Email-kan oo cinwaankiisu yahay [email protected]  ayaa noqon doona cinwaan lagu diro fariimaha ay bulshada la wadaageyso Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Si aan u helno talooyinka iyo fikraddaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay aragtidiina”

Sidoo kale qoraal kale oo la soo dhigay barta Facebooka ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in fariimaha iyo talooyinka shacabka ka imaanaya ay kuwo wax badan ka bedeli kari xaalada dalka ku jiro.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole uu shacabka ku kasbanayay, isagoo khudbado uu la qiiroonayay u jeedinayay, hase ahaatee waxaa soo baxayay dhaliilo la xiriira xafiiskiisa oo ku aadan marka dadka u baahan yihiin inay la kulmaan  inay ku qaadato saacado ama in mararka qaarba loo sheego in aanu Ra’iisul Wasaaraha fursad heyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada sameeyay cinwaan gaar ah oo bulshada ay kula soo xiriiraan, si ay u soo gaarsiiyaan wixii fikir iyo talooyin ah.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS