February 12, 2013 | Posted by admin

New York: Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in xafiisyadeeda qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee sanadihii tegay ku yaalay Nairobi loo soo rari doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jeffery Fartman oo ah wakiilka xoghayaha guud ee ee dhinaca siyaasada, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay in xiligan xaaladda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho maresyo meel dadkeedu kasoo kabanayo burburkii ka gaaray dhanka dhaqaalaha iyo nolosha, sidaas darteedna xafiisyada UN-ka Muqdisho loo rarayo dhawaan.

Wuxuu sheegay Jeffery Fartman in xafiisyada UN-ka qeybta Soomaaliya qaabilsan sida ugu dhaqsiyaha badan loogu rarayo gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay xaalada amaan soo hagaagtay.

Sarkaalku wuxuu sheegay in muwaadiniinta ku nool xarunta Soomaaliya ay dareemayaan rajo cusub oo kasoo muuqata hoggaanka cusub ee dowladda Soomaaliya, kaasoo ku yimid doorasho ay qabatay dowaladii hore ee KMG-ka ahayd.

“Sanadkan aynu ku jirno waxaa nagu waajiba inaynu taageerno howsha la qabtay ee heerka lagu gaaray, waxaanu rajeeyneeyna 4-ta sano ee soo socota in horumar taariikhi ah la gaaro ka hor intaan la qaban doorashooyinka baarlamanka iyo midda Madaxweynaha, waxaana xoogga saareeynaa in la sameyo dastuur joogta ah’’ ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee dhinaca siyaasada Jeffery Fartman.

Sarkaalka oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kula kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xiligii uu socday shirkii Midowga Afrika, sidoo kale uu kula kulmay Muqdisho ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadiisa iyo guddoonka baarlamaanka ayna isla garteen dhammaantood in xoogga la saaro sidii ammaanka dalka loosoo celin lahaa, loona horumarin lahaa hay’ado ay ka mid yihiin garsoorka, kuwa dhaqaalaha iyo maamulka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ooh ore codsatay in gudaha dalka loo soo raro xafiisyada Qaramada Midoobay si shacabka Soomaaliyeed qeybta waxbaratay u helaan fursadaha shaqo ee xafiisayadaas.

COMMENTS