July 30, 2015 | Posted by admin

150728185143_yakub_memon_protest_against_death_penalty_524x351_getty
Nin lagu helay dembi ah inuu dhaqaale ku bixiyay weerarkii 1993dii ee lagu qaaday magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay xabsi ku yaalla galbeedka Hindiya.
Yaqub Memon ayaa la daldalay kaddib markii codsigiisii ugu dambeeyay ay diideen maxkamadda sare iyo madaxweynaha.
Waa qofkii ugu horeeyay ee loo dilo weerarkaasi oo ay ku dhinteen 257 qof.
Qaraxyada oo loo maleynaayo inay aargudasho u ahaayeen rabshado ka dhan ah Muslimiinta oo bilo ka hor dhacay ayaa aad looga argagaxay gudaha dalka Hindiya oo dhan.
Yaqub Memon ayaa asiga iyo ehelkiisaba ay ka qexeen Hindiya weerarka ka hor, laakiin sanad kaddib ayuu dalkaasi dib ugu noqday.
Waxaa jiro warar isqilaafsan oo ku saabsan in ninka la qabtay iyo inuu asiga isu dhiibay dowladda

COMMENTS