April 14, 2015 | Posted by admin

640x323xlacagta-kunka-shiling.jpg.pagespeed.ic.1IZRMVmnH8
Muqdisho [RBC Radio] Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka waxaa ku geeryootay allaha u naxariste Xaawo Nuur Hiraabe oo ka mid aheyd labadii haween ee ku sawirnaa lacagta Kunka shiling ee hadda la isticmaalo.

Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho ayay ku geeryootay Xaawo rabbi ha u naxariste,sida ay sheegeen qar ka mid ah eheladeeda.

Haweeneydan ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer hore Isbitaalo kala duwan la geeyay.
Mid ka mid ah ehelada Xaawo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay maanta in xalay ay ku geeriyootay Isbitaalka Keysaney, kadib xanuuno in muddo ah hayay.

Waxaa uu sheegay in haweeneydan ay baal dahab ah kaga taalay qaranka, balse aan la abaal marin, isla markaana ay dowladda ku dhaliilayaan inay wax u qaban weysay mudadii ay xanuunsaneyd.

Xaawo Nuur Hiraabe oo da’deeda aheyd 84-sano jir ayaa saddex caruur oo labo ka mid ah ay ahaayeen ragg ku weysay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay bur burkii dowladdii dhexe kadib.

Sanad ka hor ayay aheyd markii sidoo kale magaalada Muqdisho ay ku geeriyootay haweeneydii kale ee ku sawirneyd lacagta kunka shiling Soomaaliga ah.

Ugu dambeyn,ma jirto cid si gaar ah ugu warhaysa dadka Soomaalida ah ee taarikhda ku leh dalka,taas oo keenta qaarkood inay dayac u geeryoodan,maaddama dowladda dalka ka jirta wali aysan noqon mid xooggan.
___

COMMENTS