December 1, 2012 | Posted by admin

Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku guddoonsiisay abaal-marinta sanadlaha ah ee Nansen Refugee Award, Xaawo Aadan Maxamed oo ah haweenay Soomaaliyeed oo caawisa haweenka lagu dhibaateeyay Soomaaliya sanadihii burburka.

Xaflad lagu guddoonsiinayay abaal-marinta waxaa goobjoog ka ahaa madax uu ka mid yahay Bruno Geddo oo ah madaxa UNHCR ee Soomaaliya.

Xaawo Aadan ayaa aasaastay xarun waxbarasho oo lagu magacaabo xarunta Nabadda iyo Horumarka ee Gaalkacyo, halkaas oo ay xirfadda qoraalka iyo akhriska ku bartaan haweenka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Sanadkii 1995 ayay Xaawo howlaha samafalka ka billowday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 1999 u soo wareegtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xaawo ayaa xarumo lagu dhiirrageliyo u samaysay haweenka la kufsado iyo kuwa uu niyad-jabku la soo gudboonaado ee ku waxyeellooba dhibaatooyinka colaadaha, waxay sidoo kale fursado shaqo u abuurtaa haweenka danyarta ah ee carruurtooda korsada.

Bishii September 18-dii ayaa lagu dhawaaqay in ay Xaawo Aadan ku guulaysatay abaal-marinta oo la bixiyo sanad kasta, taas oo ah mid caalami ah oo la siiyo dadka howlaha wax ku oolka ah u qabta bulshadooda.

COMMENTS