August 29, 2016 | Posted by daacad yare

Xaaladda Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo oo Saaka uu ka dhacay Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa Maanta Degen,waxaana Socda Dadaallo lagu Xalinayo Dagaalka iyo waxii Sababay.

Mas’uuliyiin ka tirsa Maamulka Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baled-xaawo ayaa wada Dadaal lagu joojinayo Dagaalka islamarkaan lagu Heshiisiinayo Dhinac.

Dagaalka Maanta ayaa waxaa ku dhintay illaa Afar Qof,waxaana ku dhaawacmay in kabadan 6 waxaana saraakiisha jubaland ay sheegeen in dagaalka uu udhaxeeyay dad ay ku sheegen in ay dhibaatooyin ka wadeen beled xaawo iyo ciidamada amaanka.

COMMENTS