October 18, 2016 | Posted by admin

Gudoomiye ki xigeenka degmada afgooye Mahdi Axamed Xasan ayaa duhur-media  uxaqeejiyay in  alshabaab ay weerar ku sooqaadeen degmada afgooye ee gobalka sh/hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in weeraro qarax ah iyo dagaal fool ka fool ah ay ku soo qaadeen afarta jaho ee degmada afgooye.

Ciidamada dowlada soomaaliya ayaana  dib ula wareegay degmada afgooye ee gobalka sh/hoose waxa uuna sheegay in xiligaan xaaladu ay tahay mid degan.

Ma uusan sheegin gudoomiyaha Qasaaraha ka dhashay weerarkaasi waxa uuna xusay in ay dib ka soo sheegayaan wixii qasaara ah ee halkaasi ka dhashay.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS