June 18, 2017 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Degaanka
Baanyaaleey oo ka mid ah degaanada gobolka
Hiiraan ee maalmihii lasoo dhaafay ay ka
socdeen dagaal beeleedyadda ayaa saaka waxa
ay sheegayaan in xaaladda degaankaasi ay degan
tahay.
Maleeshiyaadkii dagaallamayay ayaa shalay waxaa
kala qaaday Ciidamada maamulka Ahlusunna ee
gobolada Dhexe.
Beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku
dagaalamayay degaankaasi ayaa waxa ay wararku
sheegayaan in ay jooggaan goobo isku muuqda.
Sidoo kale Degaanka Baanyaaleey ayaa waxaa ku
sugan cutubyo ka tirsan ciidamada Hiil walaal ee
dowladda Jabuuti.
Waxgaradka Degaanka Baanyaaleey oo qaarkood
aan Saakay la hadalnay waxa ay inoo sheegeen in
ay xaaladdu degan tahay, inkastoo ay sheegeen
suurtagal tahay in ay isku soo laabtaan
Maleeshiyaadkii dagaallamay.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS