February 16, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Cape Town- Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida South Afrika ayaa saaka Kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Britain.Kulanka oo ka dhacay Magaalada Cape Town Ee Wadanka South Afrika ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaalida Ee South Afrika oo si gaar ah Xiriir ula samaysay Wasiirka ARimaha Dibada UK.

Mr.William Hague ayaa waxa uu SOomaalida qaabilay Markii uu la shiray Madaxweynaha Wadanka South Afrika Jokob Zuma oo ay wada

quraacdeenWilliam Hague oo shalay ka soo dagay Magaalada Cape Town.

Kulanka waxa uu ahaa mid Si qarsoodi ah loo agaasimay oo ay si hoose u agaasimeen Qaar ka mida Jalaiyada Soomaalida Wadankani K/Afrika waxaana loo ogolaaday Soomaalida in uu wasiirka kulan la qaato muddo Sacad ka yar.

Kulanka Muhiimadiisa waxa uu ahaa sida Mr.William Hague uu Soomaalida dalkan uga dhaadhicin lahaa in ay taageeraan Shirka ka dhacaya Magaalada London kaasi oo ay ka qeybgalayaan Dhinacyada kala duwan Ee Soomaalida.

Mr.Hague Waxa uu reer Cape Town u sheegay in Kulanka ka dhacaya London uu yahay mid dowlada Britain ay ka magan tahay Ujeeda wayn oo ah in uu noqdo Kulankii ugu dambeeyay ee Amni iyo xasilooni lagu gaarsiiyo soomaalida.

“Waxa ay naga tahay Dhab in aan guul ka gaarno kulankaasi waa inoo Muhiim in guul uu shirkaasi noqdo Soomaalidana Amni iyo xasilooni lagu gaarsiiyo….” ayuu yiri Mr.William Hague.

Soomaalida kulanka ka qeybgashay ayaa loo ogolaaday in ay Su’aala yar waydiiyaan Masuulkan waxaana uu dhammaan jawaaba ugu soo koobay in Dowlada Ingiriiska ay xal u raadinayso xaalada dalka soomaaliya go’aana ay ka tahay ka mira dhalinta Shirkaasi.

Kulanka ma qaadan Waqti badan waxaana Amniga goobta kulanka uu ka dhacay ahayd mid la isku haleen karo wallow si gaar ah loo baaray Soomaalida Kulanka gaartay taasi oo Muujinaysa in Aaminaada Amni ahaan ee Soomaalida aan la isku haleen karin.

Kulan ayaa ku soo afmeermay jawi aan la fahmi karin waxaana Soomaalidii Kulanka tagtay ay iswaydiinayeen Waqtiga Kooban ee la siiyay Markii ay la kulmayeen Wasiirka iyo Erayada Kooban ee uu masuulkaasi soomaalida siiyay.

mail

COMMENTS