June 24, 2015 | Posted by admin

150602085551_merkel_hollande_524x351_getty
Wikileaks ayaa daabacaday dikumiintiyo ay ku sheegtay in laamaha amniga ee Mareykanka ay jaajuuseen madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, iyo labadii madaxweyne ee asiga ka horeysay ee (Nicolas Sarkozy and Jacques Chirac).
Waxa ay bartan baahisa siraha la soo dusiyay ay sheegeysaa in arrintaasi ay dhacday intii u dhexeysay 2006 illaa 2012kii.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ma aysan xaqiijinin sax ahaanshaha dikumiintiyada.
Weriyaha BBC-da ee Washington, waxa uu sheegayaa in waxyaabihii horey ay Wikileaks u soo bandhigtay ee ku saabsanaa dalalka Jarmalka, Brazil, iyo Mexico, ay hogaamiyayaasha sheegashooyiinkooda ugu dambeeyo ay ahaayeen kuwa lagu qanci karay.
Mid ka mid ah arrimaha dhowaanahan la shaaciyay waxa ay muujineysaa madaxweyne Hollande oo meel mariyay shirar sir ah oo ku saabsan saameynta ay yeelan karto kabixidda Yurub ee dalka Giriiga, horraantii 2012kii.

COMMENTS