August 23, 2016 | Posted by daacad yare

Magaalada Caasimada labaad ee dalka Sweden ee Gothenburg waxaa ku dhintey canug siddeed sano jir Soomaali ahaa, kadib markii wax loo maleynaayo bomb gacmeed lagu weeraray hooygooda saqdhexe habeenkii Isniinta.

Wiilka geeriyoodey ayaa isaga iyo qoyskiisa waxaa ay ka yimaaddeen London waxaana ay booqasho ku joogeen guriga la weeraray, oo sida la shegay hore looga xirey wiil dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha dil hore uga dhacay waddankaasi.

Sacdiya Furre oo loo yaqaan Sacdiya Soomaali oo deggan guriga la weeraray ayaa usheegtay VOA in dhibaatadaasi ay dhacday xili habiin ah oo dadku ay isku diyaarinayeen in ay seexdaan.

Lama oga waxyaabaha sababay mashaqadaan hasa yeeshee waxaa gurigaasi saaqada looga weeraray wax loo maleenayo Bam Gacmeed.

COMMENTS