February 18, 2017 | Posted by admin

Yoonis Maxamed Cumar Wardheere. Waxaa uu ka mid yahay dhalinyaradda soomaaliyeed ee ku dhashay magaaladda Göteborg ee caasimadda labaad Iswiidhan islamarkaasina ku bar baartay kagana baxay dugsiga sare iyo kuliyadda ciidamadda cirkaga.

Haatan waa duuliye ka mid ah duuliyeyaasha dalka, wuxuuna ka howlgala diyaaradaha iskaga kala gooshta dalalka Holland iyo Ingiriiska. Waana soomaaligii ugu horeeyey ee abid duuliye diyaaradeed ka noqda dalkaan.

Ugu dambeyntiina inkastoo soomaalida Iswiidhan lugu tiriyo qowmiyadda keliya ee aan horumar muuqan ka sameeyn dhinacyada shaqada, waxbarashadda iyo is dhexgalka dalka marka loo eeggo qoowmiyadaha shisheeye ee xilliyada kala duwan yimid. Saxaafadda Iswiidhana waxaa ay in muddo ah buun buunin jirtay ilaa iminkana ay siyaalo kala duwan u qorta dib u dhaca soomaalida.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS