March 28, 2012 | Posted by admin

Maxamed Jaamac Yuusuf / Police Edmonton photo

Nin Soomaali ah oo loo haystay in uu geystay dil ayaa maalintii shalay ka hor qirtay maxkamad ku taalla magaalada Edmonton ee dalka Canada in uu geystay dilkaasi.

Maxamed Jaamac Yuusuf oo 23 jir ah ayaa sheegay in dilkaasi uu u dhacay si aan ula kac ahayn.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa loo heystay dilka Sean Murphy oo 51 jir ahaa kaddib markii uu si xun u garaacay ninkaasi da’da ah xilli uu ku damaashaadayay baaskiil uu watay.

Eedeysanahan ayaa waxaa damiin lagu sii daayay bishii June ee sanadkii 2009-kii, waxaana lagu ganaaxay in uusan ka bixin guriga hooyadiis isla markaana uu maxkamadda ka soo hor muuqdo Octobar 2010-kii, balse uu ka duuntay maxkamaddii.

Maxkamadda ayaa waxa ay Maxamed Jaamac Yuusuf u jartay warqadda soo qabashada oo dhammaan lagu amray booliska dalka Canada in ay soo xiraan meeshii ay ku arkaanba.

Yuusuf ayaa markii dambe gacanta lagu soo dhigay 2-dii January ee sanadkaan, waxaana maalintii shalay la hor keenay maxkamadda si loogu soo oogo dacwadda loo heysto.

Dacwad oogayaasha maxkamadda ayaa codsanaya in Maxamed Jaamac Yuusuf lagu xukumo 12 sano oo xarig ah, halka qareennadiisuna ay doonayaan in xukunkaasi la khafiifiyo oo laga dhigo 5 sano oo kaliya maadaama uu dilkaasi ahayn ula kac.

COMMENTS