July 31, 2015 | Posted by admin

Eedeysane Abdirashiid Khadar oo haweyney somaaliyeed uur leh ku dilay cariga ingiriiska ayaa saaka la soo taagay Maxkamadda magaalladda Bristol isagoo ku eedeysan dilkii haweeney la oran jirey Amal Abdi oo maalintii Axaddii ee la soo dhaafay maydkeeda laga helay dhismihii ay ka degganayd magaalladda Bristol.

Eedeysanaha oo 21-jir ahaa ayaa la keenay Maxkamadda isagoo jeebaysan, waxaana joogay Turjumaan u dhexeeyey Eedeysanaha oo aan ku hadli Karin Luqadda Englishka iyo Saddexda Garsoorka ee dacwadda qaadayey.

Garsoorayaasha waxay diideen in damiin lagu sii daayo Eedeysanaha oo aan lahayn Cinwaan iyo Hoy loogu soo hagaago.

Dacwadda loo haysto Eedeysanahaasi waxaa mar kale dib loo dhegeysan doonaa bisha soo socota ee August 27-da.

Marxumadda la dilay ee Amal Abdi oo 21-jir ayaa ahayd hooyo xaamil ah, waxaana la sheegay in Tooreey lagu dooxay ilaa ay ka geeriyootay.

Boliska Ayaa waxay Amal maydkeeda ka heleen qolkii ay ka degganayd Dabaqa 7-aad ee Dhismaha Longlands House ee magaalladda Bristol, iyadoo aad u dhiig baxday.

COMMENTS