April 28, 2017 | Posted by admin

Hay’adda caafimadka
Aduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxa ay
ka hadashay cudurada Abaarta ay sababtay ee
ka dilaacaay dalalka ay Abaaraha ka jiraan, gaar
ahaan Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Hay’adda muhiim in ay tahay
in wax laga qabto cudurada ka jira Soomaaliya,
kuwaasi oo ay ka mid yihiin Daacuunka iyo
Shuban-biyoodka.
Sarkaal u hadlay WHO ayaa sheegay dad gaaraya
31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan, loona
baahan yahay in si deg deg ah ay u helaan
Dawooyin caafimaad, si loo badbaaiyo.
“WHO intii karaankeeda waxa ay wax ka
qabaneysaa cudurada Daacuunka iyo Shuban-
biyoodka, dadka uu soo ritay, Abaartan waa mid
macluul isku bedeshay, waa muhiim in dadkan la
badbaadiyo.”Ayuu yiri masuulka u hadlay WHO.
Sidoo kale Sarkaalkan ayaa Beesha Caalamka iyo
dalalka caalamka ugu baaqay in ay dhaqaale ku
bixiyaan, sidii loogu gurman lahaa dadka ay
Abaaraha ku saameeyeen dalalka, Somalia,
Nigeria, South Sudan iyo Yemen.
Cudurada Shuban-biyoodka iyo Daacuunka Illaa
iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u
dhinteen, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo
450,000 oo qof la tallaalay.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS