October 24, 2012 | Posted by admin

Allaha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dilay weriye Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Sakiin) oo Telefishinka Universal uga soo warrami jiray magaaladaas.

Rag hubeysan ayaa weriyaha ku toogtay bartamaha magaalada Laascaanood xilli uu ku sii jeedey gurigiisa.

Illaa hadda lama garan karo cidda ka dambaysey dilka marxuum weriyaha Axmed Sakiin.

Ciidanka booliska ee Laascaanood ayaa gaaray goobtii uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas baaritaanno ka sameeyay, mana jirto wax faah-faahin ah oo ay saraakiisha booliska ka bixiyeen sida uu u dhacay falkaasi.

Dilalka weriyeyaasha oo aan horey uga dhicin magaalada Laascaanood ayaa walaac ku abuuraya suxufiyiinta kale ee ka hawlgala  magaaladaas iyo guud ahaan deegaannadda gobolka Sool, walow in ka badan 20 suxufi lagu xiray sanadkan kaliye magaaladaas.

Dilka marxuum Axmed Sakiin ayaa ka dhigaya tirada weriyeyaasha sanadkan keliya lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya 16 suxufi.

COMMENTS