August 19, 2016 | Posted by daacad yare

Ciidmada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliyeed ee NISA ayaa shalay xiray weriyaal ka tirsan idaacada shabeele ee muqdisho waxaana idaacada laga xiray laba weriye.

Saxafiyiinta la xiray waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Aadan Onkod iyo Cali Soomaali.

Xalay saqdii dhaxe ayaana xabsiga Nabad sugida laga sii daayay oo lagu magacaabo godka jilacoow.

Qaar ka mid ah weriyaasha shabeele ayaa noo xaqeejiyay in xarigooda uu ka dambeeyay ka dib markii ay shalay baahiyeen warar ay qoreen warbaahinta alshabaab iyo warar kale.

COMMENTS