June 27, 2015 | Posted by admin

Ururka al-Shabaab ayaa shalay subax weerar ku qaaday xero ay ciidamada Burundi ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose. Tirada dhimashaa ee ciidamda AMISOM ayaa hadda marayska ilaa iyo 50, iyadoo wararka ay heleyso laanta Soomaaliga ee VOA-na ay sheegayaan in dhimashadu tahay 70 30 kalana aan warkooda la hayn halka ay ku maqan yihiin.

Weerarrada loo geysto ciidamada AMISOM ayaa soo cusbooneysiisay dhawaaqa aqoonyahaniinta Soomaalida ah ee ku aaddan in aan laga fursan karin helitaanta ciidamo Soomaaliyeed oo tayo leh oo baddala kuwa AMISOM.

Saraakiisha qaramadama midoobay ayaa cambaareeyay werarka ay shalay al shabab ku qaadday saldhigga ciidamda nabad ilaalinta ee midowga Africa ee AMISOM.

Hadal qoraal ah oo uu shalay galab soo saaray afhayeen u hadlay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon uu si wayn u cambaareeyay weerarka ka dhacay Leego.

Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarka shalay ka dhacay saldhigga ciidamada AMISOM ee Leego.

COMMENTS