June 14, 2017 | Posted by admin

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii saacadaha badan qaatay ee lagula dagaalamaayay xubno ka tirsanaa Shabaab, kuwaasi oo weerar abaabulan ku qaaday Maqaaxida Pizza House ee Degmada Hodan.

Xaaladda hadda waa ay dagan tahay mana la maqlaayo rasaas iyo dhawaqa qoryaha waaweyn oo tan iyo xalay ciidamada ammaanka ay ridayeen, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka.

Dhismaha Maqaaxida Pizza House ayaa laga soo saarayaa hadda meydad badan oo dad ah, kuwaasi oo intii dagaalka uu socday meydkooda meesha uu yaalay, maadaama raggii Shabaabka ahaa ay toogteen dadkaasi.

Dhimashada inta hadda la ogyahay waa 15 ruux, waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato, maadaama weerarka goor dhaw la soo afjaray oo meydad hor leh laga soo saaraayo dhismaha.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa qaaday ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarka, waxaana la geeyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku yaal, halkaasi oo lagu dabiibaayo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada NISA, ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday, inkastoo Sarkaalkaasi uu ka gaabsaday shaacinta tirada dagaalyahanada weerarka soo qaaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya dableyda weerarka soo qaaday inay tiradooda u dhaxeysa Shan illaa Todobo ruux, laakiin Saraakiisha weli ma aysan shaacin.

Ciidanka-NISA-640x360 Qarax-2-640x360Qarax-2-640x360

COMMENTS