July 26, 2016 | Posted by daacad yare

Hay’adda badaha caalamka ayaa sheegtay in ay hoos u dhaceen weerarada hubeysan ee ay geysan jireen kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in sanadkaan ay si aada hoos uga dhaceen weerarada ay u geysan jireen kooxaha burcadbadeeda Soomaalida maraakiibta ganacsiga.

Warbixin ay soo saartay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha (IMB) iyo Rugta Ganacsiga ee Caalamiga ah ( ICC)ayaa lagu sheegay in weerarada burcad badeeda ay sanadkaan hoos u dhaceen ka dib markii ay xoogeysteen ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ,waxa ay sheegeen in la qaatay talaabooyink sahlaaya in laga hortago weerar kaste oo burcadnimo.

” IMP Waxay aaminsantahay in weerarada burcad badeeda ay hoos u dhaceen sanadkaan ka dib markii la xoojiyay ciidamada ka howlgala xeebaha Soomaaliya, inkastoo loo baahanyahay in la sii laba jibaaro la dagaalanka burcad badeeda ” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Hay’adda Baddaha caalamka.

COMMENTS