May 16, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ee ku taala xeebta dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay tiro kalena ay ku dhaawacmeen ka dib weerar lagu qaaday xarun lagu caweeyo oo halkaasi ku taala.

falkaan geystay qasaaraha tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa la sheegay in ay geysteen koox hubeysan oo ka baxsaday goobta falka uu ka dhacay ka dib,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in weerarka markuu dhacay ka dib qaraxyo bambaanooyin ah oo halkaasi lagu qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska dalka Kenya ayaa wada howlgalo baaritaano ah oo ay ku doonayaan in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay weerarka xalay lagu qaaday goobta lagu caweeyo ee ku taala magaalada Mombasa.

Warar madax banaan oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ciidanku ay gacanta ku dhigeen tira dad ah oo sida la sheegayo lala xeriirinayo in ay yihiin dadka looga shakisan yahay in ay ka dambeeyay weerarkii xalay halkaasi ka dhacay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay weerarka halkaasi ka dhacay ee qasaara geystay.

COMMENTS