February 27, 2015 | Posted by admin

Inta la og-yahay 1-Askeri oo ka tirsanaa ilaalada Gudoomiyaha G/Bari C/samad Maxamed Galan ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay kadib markii xalay fiidnimadii ay kooxy Hubeysani weerar Bombo gacmeed ah ku qaadeen guriga uu magaalada Boosaaso ka degan yahay Guddoomiyaha G/Bari.

Guddoomiyuha G/ Bari C/samad Maxamed Galan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in uu gurigiisa ka maqnaa xiliiga uu weerarkaasi dhacay.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen, wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay in ay wadaan baadi goobka ciddii falkaasi geysatay.

Daawo Muuqaal Gabdhihii dhalashada Ingiriiska watay ee Daacish u baxsaday & Turkiga oo sharci adag soo rogay.

Gabdho Iskuuley ah ayaa maalmo yar ka hor waxaa gacanta lagu soo dhigay iyaga oo u baxsaday kuna sii jeeday xoogaga Daacish kuwooda ka dagaalama gudaha dalka Siiriya waxeeyna Gabdhahaan wateen dhalashada Baasaboorka dalka Ingiriiska

COMMENTS