August 14, 2017 | Posted by admin

Ugu yaraan 17 qof ayaa dhimatay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday Makhaayad ku taalla dalka Burkina Faso.

Weerarka ayaa waxaa xalay qaaday koox islaamiyiin ah, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Remo Danjunou.

Telfeshinka dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen saddex kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Weerar koox jihaad doon ah ay ku qaadeen maqaayad dalkaasi ku taalla ayaa waxaa ku dhintay 30 qof bishii Jannaayo ee sanadkii hore.

Waxaa laga cabsi qabaa in weerarka ay geysateen koox xiriir la leh ururka al-Qaeda kana howl-gala gobolka Saaxil.

Burkina Faso waxay qayb ka tahay gobolka Saaxil, oo ay dalka Mali uu ka tirsan yahay halkaas oo kooxaha Islaamiyiintu ay ka howl-galayeen tan iyo sanadkii 2012.

COMMENTS