August 28, 2016 | Posted by daacad yare
Tan iyo markii maamulka galmudug ay shaaciyeen shirka cadaado ka furmaya waxaa halkaasi ku qul qulayay  Ugaasyo, Salaadiin iyo Nabadoono Beelaha Dega Dowlad goboleedka Galmudug, Duubabkan ayaa u yimid Cadaado sidii ay  soo xuli laheeyeen ergooyinka dooranaya xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya qeybta deeganada Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado wasiiro xildhibaano katirsan Dowlad goboleedka Galmudug, gudiga doorashooyinka dadban Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha bulshada, Ugu horeyn soo dhaweynta waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan Tootoole isagoona sheegay in maamulka degmada uu markasta diyaar u yahay kaqeyb qaadashada fulinta howlaha horyaala odayaasha iyo gudiga doorashooyinka.
Wasiiru dowlaha arimaha iyo dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye Guureeye ayaa balan qaaday in wasaarada arimaha gudaha Galmudug ay garab tagantahay sidii doorashooyinkaan uga qabsoomi lahaayeen jawi wanaagsan, waxa uuna shegay in bulshada iyo maamulka loo bahanyahay in ay isku duubmaan si wax mira dhal ah looga soosaaro.
Duubabka Dhaqanka  maanta soo gaaray Cadaado waxaa kamid: Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi  Faracade, Ugaaska Beesha Saleebaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, Garaadka Beesha Sacad Gaaraad Adan Cilmi Qoorweyne, Suldaanka Beesha Saruur Suldaan Maxamed Sheekh Islaweyn, iyo Duubabka kale.
Duubabkan dhaqanka ayaa waxaa la dajiyey xarunta Kafaalo, oo ah goob ay horey dagaan jireen ergadii soo dhistay maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda soo gaaraan nabadoona dhiman.
Dhanka kale Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahaan ku sugnaa Cadaado ayaa beri furi doona wacyigalinta duubabka dhaqanka, inkastoo aysan wali helin dhaqaalihii howsha lagu wadi lahaa, ayaa hadana maamulka iyo Bulshadu wax ay iska kaashanayaan sidii howsha loo sii wadi lahaa.
COMMENTS