August 15, 2015 | Posted by admin

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagtay diyaarad ay la socdeen Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo oo mucaarad ku ahaa Maamulka uu Hogamaiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta maanta sida qasabka ah Muqdisho looga soo dajiyay ayaa dhoor maalmood waxa ay xabsi guri ugu jireen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaas oo maanta laga soo saaray Diyaarada keentay Muqdisho.

Xubnaha Siyaasiyiinta ah iyo Masuuliyiinta isugu jira ee maanta la keenay magaalada Muqdisho waxaa ku jira Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyahii gobalka Gedo, gudoomiye ku xigeenkii Gedo Cabdi Barre Cabdi, , Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan, gudoomiyahii Ahlu-sunna ee gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax iyo xubno kale.

Maxamed Cabdi Kaliil oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gobolka Gedo si qasab looga soo masaafuriyay, waxa uuna tilmaamay in mudo Isbuuc ka badan isaga iyo siiyasiyiinta kale ay ku xirnaayeen Degmada Doolow.

Gudoomiyihii Gobolka Gedo uu dhawaan xilka ka qaaday Axmed Madoobe ayaa sheegay in xilka ay ka qaaday Dowlada Itoobiya oo awood adeegsaneysay, waxa uuna meesha ka saaray in uu xilka ka qaaday Hogaamiyaha Jubbaland.

Siyaasiyiinta Gobolka Gedo laga soo musaafuriyay ee maanta la keenay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wadatashi la qaadan doonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya , Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo.

COMMENTS