August 13, 2017 | Posted by admin

12 wasiiro iyo wasiiro kuxigeen oo ka Tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa iska casilay xilalkooda ka dib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad gobaleedka Hirshabeele.

Wasiirada iscasilay ayaa dhamaantood ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hirshabeele sababaha ay isku casileen ayayna ku sheegeen waxqabad la’aan iyo in Madaxweynaha uu ku nagaan waayay magaalada Jowhar oo caasimad u ah Hirshabeele.

Xildhibaanadan maanta iska casilay xilalkooda wasiirnimo ayaa ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka wado madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeele Cali Cabdullahi Cosoble, waxayna kulan balaaran ku yeesheen holka shirarka ee gudaha shirkada Farjano.

Mooshinkaan ay wadaan xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeele ee ka dhanka ah madaxweyne Cososble ayaa u muuqda mid ka duwan mooshinidii hore ee xildhibaanada madaweynaha ka keeni jireen waxaana lagu wadaa in saacado ka dib mooshinka loo gudbiyo Gudoomiye kuxieenka labaad ee Barlamaanka Hirshabeele marwo Canab Axmed Ciise oo ku sugan magaalada Jowhar.

a iscasilay ayaa dhamaantood ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hirshabeele sababaha ay isku casileen ayayna ku sheegeen waxqabad la’aan iyo in Madaxweynaha uu ku nagaan waayay magaalada Jowhar oo caasimad u ah Hirshabeele.

COMMENTS