December 11, 2012 | Posted by admin

Wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble, oo sidoo kale ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Geerida Xaaji Cismaan waxa duhur.com u xaqiijiyay Axmed Cismaan Axmed, oo ah wiil uu dhalay marxuumka. Axmed waxa uu sheegay in aabbihii uu muddooyinkan xanuun xun ka hayay kelyaha ah, waxuuna ku dhintay isbitaal ku yaala dalka Ingriiska magaalada London.

Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa ahaa wasiirkii maaliyadda ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan. Meydka Xaaji Cismaan ayaa la rajeynayaa in la geeyo magaalada Muqdisho si loogu aaso. Xaaji Cismaan ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1919-kii, waxana uu ifka uga tagay 37 qof oo uu dhalay. Illahay naxariistii Jano haka waraabiyo janadii fardowsa hagu bishaareeyo..Aamiin….Aamiin…Aamiin, sidoo kale, qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed samir allaha ka siiyo…Aamiin, Aamiin…Aamiin.

COMMENTS