December 29, 2012 | Posted by admin

Wasiirka arrimaha dibadda ee DJFSOomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji aadan oo soo gaartay Magaalada London ayaa sheegtay in u jeedada safarkeedu tahay sidii ay ugu gogol xaari lahayd kulan rasmi ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo bisha May ee Sanadkaan ka dhici doona Magaalada London.

Booqashada wasiirka oo ahayd mid rasmi ah oo ay Dawlada Britain u fidisay ayay kulan gaar ah sadexda bishaan kula qaadan doontaa Dhigeeda arrimaha dibadda ee Ingiriiska William Hegue iyadoo kadibna 7 da bishaan tagi doonta magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga.

Waxaa ay inta ay joogto kulamo la qaadan doontaa Soomaalida ku nool London oo ay kala qayb gali doonto xaflado ay ku soo dhawaynayaan, iyadoo intii ay joogtay Garoonka diyaarada Heathrow airport kula hadashay Saxaafada iyo dadweyne soo dhawaynteeda ka qayb qaatay.

Suxufiyiinta oo su aalo ku weydiiyay Hoteelka Hilton oo ku yaala islagaroonka Diyaaradaha Heathrow ayay kaga hadashay arrimo ay ka mid yihiin Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya iyo waxyaabihii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne.

Mar ay ka jawaabaysay Su aal la xiriirtay khilaafka Jubbooyinka oo asal u ahaa kala aragtiyo duwanaanshiyaha labada dawladood ayay tiri ‘’ Heshiis dhab ah ayaa laga gaaray arrimaha Jubbooyinka , waadna la socotaan in wasiiro ka tirsan dawlada Soomaaliya ay tageen kismaanyo , waxaana maamulka halkaasi laga dhisayo uu hoos imaandoonaa Dawlada Dhexe ee Soomaaliya oo waliba iyadu qorshaynaysa qaabka dhismaha Maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka.

Ra iisalwasaare ku xigeenka ahana wasiirka arrimaha dibadda Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqashadeedani ay tahay tii ugu horaysay ee ay ku timaado London tan iyo markii loo magacaabay xilkaasi ayaa la filayaa in ay ka shaqayso xiriirka caalamiga ah eek a dhaxeeya Dawladaha Yurub iyo Soomaaliya , Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliyana uu booqasho rasmi ah ku imaandoono London taasi oo laga yaabo in ay noqoto dabayaaqada bishaan hadii aanay wax iska badalin.

COMMENTS