February 15, 2013 | Posted by admin

Wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Norway Heikki Eidsvoll Holmås ayaa caawa magaalada Trondheim ee dalkaas kula shiray qaar ka tirsan xubnaha jaaliyadda Soomaalida.

Ku dhowaad 200 oo qof oo Soomaali ayaa kulanka ka qeyb galay iyagoo su’aalo la xiriira xaaladda Soomaaliya wax ka weydiiyay wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ee dalka Norway, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kaalinta Norway kaga aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya oo uu ka soconayo isbeddel dhinacyo badan leh.

Heikki Eidsvoll Holmås ayaa sheegay in uu booqasho gaaban ku tagay Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore, isagoo tilmaamay inay adduunyadu u soo jeeddo wax u qabashadda iyo horumarinta Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay dowladda Norway gacan ka geysnayeyso sidii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd, wuxuuna xusay in dalal ay ugu horreeyaan Turkiga iyo Mareykanka ay Soomaaliya siiyaan kaalmada ugu badan.
Shirka waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka socday golaha deegaanka degmada Trondheim ee dalka Norway oo uu ka mid yahay xildhibaan Ismaaciil Salaad Cilmi iyadoo kulankaas uu khadka telefoonka uga qeyb galay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku sugan Itoobiya.
Prof. Jawaari wuxuu ku noolaa magaalada Trondheim muddo ku dhow 18 sano, wuxuuna jaaliyadda Soomaalida ah kula dardaarmay inay ka qeyb qaadato dib-u-dhiska dalka, sida uu ku soo warramayo Maxamed Maxamuud Xalane oo ah weriye madax-bannaan oo ku sugan Norway.

COMMENTS