September 28, 2016 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si kulul u cabmeeyay dilka Wariye Cabdicasiis Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadeenada  Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee shalay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid si weyn uga soo horjeeda Islaanimada iyo Aadaminnimadaba, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliyana aysan meel uga hari doonin kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha islamarkaana sharcigana la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay wariye Cabdicasiis Xaaji, waxa uuna alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul fardowso.

Falalka nuucaan ookale ah ee lagu dhibaateeyo wariyayaasha ayaa aalaba ka dhaca  magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegta kooxaha nabad diidka ee ku howlan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan sidaa waxaa yiri wasiirka warfaafinta soomaaliya.

Shabeele ayaa ugu badan weriyaasha magaalada muqdisho lagu dilay waxaana jirta sidoo kale in shabeele dhowr jeer xarig loo geestay Idaacada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha shabeele.

Maxmed daacad muqdisho,

COMMENTS