November 30, 2012 | Posted by admin


Wasiirka warfaafinta Xukumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Golaha wasiirada Xukumda Soomaaliya ay isku raaceyn in siwanaagsan lootayeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya.

Waxuuna intaa raaciyay hadalkiisa in taas ay Golaha wasiirada kaga golleeyihiin sidii ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed caadalad gaar ahaan kuwa ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta Xukumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu tilmaamay in golaha wasiirada ay sidoo kale isku raaceyn in la hormariyo Maxkamadaha Dowlada Soomaaliya si buuyiri ay dadka u helaan abuukaate u dooda.

Hadalka Wasiirka warfaafinta Xukumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxuu imaanayaa xilli ay haatan xabsiyada ay maamusho Dowlada Soomaaliya ay ku jiraan dadbadan kuwaas oo ku eedeesan dambiyo kala duwan gaar ahaan xabsiga dhexe ee xamar.

COMMENTS